Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Jubbaland ayaa maanta Magalada Kismaayo ku qabtay doorashada labo jursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Labadaan kursi uu Guddiga qabtay doorashadooda ayaa waxa ay ka mid ahaayeen 4 kursi ee ugu dambeysay kuraasta Jubbaland ee tiilay Magaalada Kismaayo oo ah Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Doorashada kursiga koowaad kaas uu tirsigiiu yahay HOP#029 ayaa waxaa ku soo baxay Axmed Maxamuud Jamac ka dib markii uu tanaasulay Cabdqani Cali Ciise oo ahaa musharaxii la tartamayay, sida uu ku dhawaaqay SEIT Jubbaland. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan
Waxaa xigtay doorashada kursiga labaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#124 kaas uu ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdullaahi Mukhtar Maxamed, sida uu ku dhawaaqay SEIT Jubbaland. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere).
Gudd ahaan Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa ku hartay 18 kursi oo labo ka mid ah ay taalo doorashadooda Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta KMG ee DG Jubbaland halka 16-ka kale ay yaalaan doorashadoodu Magaalada Garbaaharreey oo ah Deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
No Comments