Guddiga Hirgalinta Doorashadinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Galmudug ayaa ku wareejiyey Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal document-yada 45-ta Xildhibaan ee laga soo doortay Dowlad Gobleedka Galmudug, kuwaas oo oo kala ah 37-da kursi ee Golaha Shacabka iyo 8-da kursi ee Aqalka sare, ayada o doorashadooda ay ka qabsoomtay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo ah deegaan doorasha Galmudug.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Dahir Guled ayaa Guddiga Doorashada heer Federaal (FEIT) oo uu wakiil ka yahay Maxamed Aadan Cismaan ku wareejiyay xogta Xildhibaanada labada Aqal ee lagu soo kala doortay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Munaasabadda lagu wareejinayay xogta Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug ayaa waxaaa wareejinta goobjoog ka ahaa Cabdicasiis Cabdirahman Yuusuf oo xubnaha Galmudug FEIT wakiilka uga ahaa kamid ah, Gudoomiye ku xigeenka SEIT Galmudug Saacid Aadan Jaamac, xoghayaha Maaliyadda SEIT Galmudug Yaxye Cismaan Geedi iyo Ayaan Cabdirahman Maxamuud oo wakiil ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka (EDRC).

Guddiga Doorashooyinka Heer DG SEIT Galmudug ayaa biirinaya Guddiyada Doorashada; Goballada Waqooyi, Koonfur Galbeed, Puntland & Jubbaland oo horay u wareejiyay xogta Xildhibaannada lagu soo doortay deegaannadooda.
Guddiga Doorashada Dowlad Goabaleedka Jubbaland ayaa wareejiyay Xildhibaanada lagu soo doortay deegaan doorashada koowaad oo kaliya, halka ay ku harsantahay xogta Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Garbahaarrey oo aan weli la qaban doorashadooda.
No Comments