DG Jubbaland ayaa maanta oo ah (21-03-2022) Kismaayo kusoo gabagabeysay Doorashada labadii kursi ee uga harsaneed Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Deegaan-Doorashadoodu tahay Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
SEIT Jubbaland ayaa muddo dheer kaddib ku guuleystay in uu soo afmeero doorashada 27ka Xildhibaan ee deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo, waxaa ku dhiman 16ka Kursi ee Gobolka Gedo loo qorsheeyay in lagu qabto.
Maxamed Xasan Aadan ayaa ku guuleystay HOP#133, 101 Ergo ayaa gacan-taag ugu codeysay maadaama uu tanaasulay Maxamuud Axamed Xasan. Kursigaan waxaa Baarlamaanka 10aad ku fadhisay Luul Cabdi Aadan.

Roodo Carab Cabdi ayaa ku guulaysatay HOP#219 kaddib markii ay heshay 78 Cod halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartamaysay ay heshay 20 cod, waxaa xumaaday 3 cod. Cabdifitaax Maxamed Cali ayaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad ee JFS.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Kismaayo ay kasoo dhammaatay doorashada kuraasta taalla.
Mustaqbal
No Comments