Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Hirshabeelle ayaa shahaadada Musharaxnimo Guddoonsiiyay Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta tirsigoodu yahay HOP#011 iyo HOP#063, kuwaas oo lagu wado in doorashadoodu ay ka dhacdo magaalada Baladweyne oo ah Deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeell.

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Hirshabeelle ayaa 11 musharax u diiwaan galiyay kuraastaan. kursiga tirsigiisu yahay HOP#011 ayaa u diwaan galiyay labo musharax oo kale ah: Maxamed Cumar Barrow ( Maxamed Tuure) & Abdirisaq Cumar Maxamed oo ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad.

Kursiga labaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#063 ayaa loo diiwaan galiyay 9 musharax oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ku fadhiyay kursigaan Baarlamaankii 10aad.

Doorashada kuraastaan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta beri ah, xilli Hirshabeelle ay ku harsantahay doorashada 13 kursi oo ay ku jiraan labadaan kursi. doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu madal sanaa in la soo idleeyo 15 March 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid.

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Heer Federaal FEIT ayaa 15 March 2022 soo saaray jadwalka dhameystirka doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS.