Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October uu ka dhoco shirka heerka sare ee Daneeyayaasha Soomaaliya, Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa uu ka dhacayaa Magaalada Muqdisho,waxaana looga hadlayaa waxyaabaha u qabsoomay Dowladda Federaalka ah sanadkii la soo dhaafay iyo ajendaha iyo qorshe howleedka sanadka soo socda.
Su’aasha ugu badan ee la is weydiinayo ayaa ah cidda dowlad Goboleedka Jubaland ku matali doonta shirka Heerka sare ee Somali Partnership Forum.
Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedka Jubaland ayaa xilligan aad u kala fog,waxaana arrintaasi ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe ee dhacday 22kii August sanadkan.
Doorashadaas waxaa natiijadeeda waxba kama jiraan ka soo qaadday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay in ay ahayd mid aan loo dhameyn.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa iyaduna sheegtay in doorashada ka dhacday Magaalada Kismaayo ahayd mid aan loo marin habraaca saxda ah ee doorashada waxaana ay ku baaqday in la qabto doorasho loo dhanyahay.
Intaas kaddib dowladda Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Jubaland ku soo rogtay xayiraad dhinaca diyaaradaha ah oo waxaa ay Laanta socdaalku sheegtay in diyaaradaha tagaya Kismaayo ama ka baxaya ay qasab tahay in ay soo maraan Magaalada Muqdisho.
Fulinta go’aankaas waxaa ku gacan galay Wasiirkii amniga Jubaland C/Rashiid Janan, kaas oo Ciidanka Boolisku ay ku xireen Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Booliska ayaa wasiir Janan ku eedeeyay dambiyo dhimaba Bani’adanimada ah oo uu galay,waxaana xariggiisa soo dhaweyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha sida Amnesty International.
Haddaba yuu noqonayaa qofka Jubaland ku matalaya shirka heerka sare ee Soomaaliya ee ka dhacaya Muqdisho, mise Jubaland oo ka maqan ayaa la qaban doonaa?
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…