GUDAHA/wararka

Kenya oo dayacday Askari ku waashay dagaalka Al-shabaab

Ehellada Askari 30 jir ah oo ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Kenya islamarkaana ku waashay dagaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay caddaalad dalbanayaan.

Qoyska Askariga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya saraakiisha ugu sarreysa ay dayaceen wiilkooda islamarkaana uu jidadka Nairobi bacaha ka ururiyo hadda.

John Njoroge, oo 30 jir ah ayaa waxaa uu Shahaaddada A- ka keenay imtixaanaadka dugsiga sare ee Kenya sanadkii 2014kii,waxaana uu ku biiray Milatariga Kenya kaddib tababar ciidan oo uu qaatay.

Sanadkii 2016kii ayaa waxaa uu ka mid noqday Ciidamada Kenya ee loo qaaday Soomaaliya,waxaana uu ka mid noqday Askartii ka badbaadday weerarkii Kulbiyow oo lagu dilay 68 Askari oo saaxiibadii ahaa sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Askarigan ayaa isaga oo maskaxiyan wareeray waxaa dib loogu celiyay qoyskiisa,waxaana dhowr jeer loo sheegay in uu nasiino u baahanyahay.

Markii uu ku laabtay Gurigiisa ayuu jejebiyay 12 Dhalo, alaabo kale oo Guriga yaallay,waxaa uu sidoo kale dil ugu hanjabay xaaskiisa oo hal cunug u heysa, hayeeshee isaga carartay.

Waxaa ay Qoysku geeyeen saldhig Boolis si halkaas loogu daryeelo, waxaana markii dambe la sheegay in uu caafimaaday hayeeshee waxaa lagu arkay isaga oo hal kab wata magaalada Nairobina bacaha ka ururinaya.

Qof yaqaannay ayaa la wadaagay Qoyskiisa in wiilkooda oo Bacaha ka ururiyo waddooyinka Nairobi,halkaas markii ay ka soo wateen ayey geeyeen xarun Militariga Kenya leeyahay,waxaana ay weydiiyeen xuquuqdiisii iyo daryeelkiisii halka uu ku maqanyahay.

Sarkaalkii heystay taliska Milatariga Kenya ee ay u tageen Qoyska ayaa sheegay in heshiiskii uu WIilkooda uga midka ahaa Ciidanka difaaca Kenya la baabi’iyay mar hore islamarkaana uusan ku jirin diiwaanka Ciidamada difaaca Kenya.

Hooyada dhashay Askarigaas oo lagu magacaabo Joyce Wangari, ayaa sheegtay in noloshooda ay ku tiirsaneyd wiilkaas hayeeshee hadda aysan waxba heysan.

Waxaa ay caddaalad weydiisatay Dowladda Kenya oo ay sheegtay in wiilkeeda ay geeyeen Soomaaliya halkaas oo uu ka soo qaaday Xanuunka Dhimirka kaddib markii uu ka badbaaday dagaal ay ku dhinteen inta badan saaxiibadiis.

Isha:standardmedia.co.ke

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago