Sawirkan waxaa uu dirayaa kummanaan farriimood oo waxa xanuun badan. Waa tusaale cad oo ka tarjumaya dhibaatada inagu dhacday Dal ahaan, Dad ahaan iyo Deegaan ahaanba.
Sawirka waxaan qaaday 06 Oktoobar 2011. Goobtu waa isgoyska Hotel Jubba ee Muqdisho.
Daqarada ku yaalla dhismaha, geedaha iyo jidka gawgiisa, iyo weliba diifta iyo walbahaarka ka muuqda gabadha yar ee sawirka ka muuqata waxaa ay ina tusayaan baaxadda ay laheyd dhibaatadii xilligaas jirtay.
In kastoo ay gabadhan yar isku dayeysay in ay ku ciyaarto firinbiga ay afka ku heysato hadda xaalad ka tanweyn oo gacmaheeda iyo madaxeeda isku maleegtay ayaa heysatay. Waxa aan ka hadlayo waxaa dareemi kara uun gabadhaas yar iyo qof xaaladdaas u taagnaa markaas.
Sawirkan oo ka mid ah sawirro aan u qaaday in mar uun lagu xusuusto dhibaatada dagaalka, waa haddii uu inaga dhamaado e, waxa aan is lahaa 10 sano kaddib waxaa aad ku soo bandhigi doontaa masraxyo waaweyn, iyadoo laga sheekeynayo dagaalkii laga soo gudbay xusuustiisa.
Haatanse waxaa ii muuqata in xaaladda aysan weli fari ka qodneyn oo aysan dadka u bisleyn in ay mar uun colaadda inta ka gudbaan is cafiyaan nabad iyo walaaltinimo ku wada noolaadaan.
Adiga maxay kula tahay? Sideen uga gudbi karnaa kala aaminbaxa bulsho ee inagu dhacay? Sideen dhibtii dhacday kaga dhigi karnaa wax taariin uun ah?
W/Q Abukar Albadri.
Aragtidaada noogu soo dir: aragtida@mustaqbalradio.net
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…