GUDAHA/wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo 34-xubnood ka saartay Guddiga Doorashooyinka!

Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u xilsaaray Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ayaa 34 xubnood ka saaray guddiga doorashooyinka dadban, xubnaha laga saaray Liiska guddiga doorashooyinka ayaa kujiray Liis ka kooban 67 xubnood oo midowga Musgarixiintu u gudbiyey xafiiska Ra’isalwasaaraha

Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji Guddoomiyaha Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ayaa sheegay in 34ta xubnood ee magacyadooda laga saaray liiska guddiga doorashooyinka ay buuxin waayeen Shuruudaha looga baahan yahay qofka kamid noqonaya guddiga.

“3-dii June 2021 oo aan la wareegnay cabashada Xubnaha Guddiga 67-da xubnood waxa aan ku sameynay baaris iyo hubin waxaana kasoo dhex saarnay 34-ruux oo aan soo buuxin shuruudaha xubinnimada Guddiga waxa ay ka kala yimaadeen Dowlad-Goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay, dib ayaan ugu celinay meelihii laga soo magacaabay si loosoo badalo 48-saac (labo cishe)” ayuu yiri Cabdullaahi Carab.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala,  Afhayeenka Guddiga  ayaa Warbaahinta u sheegay in xubnahaan ay ka kala yimaadeen Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland, Somaliland & Beelaha Banaadiriga ah.

“34-taas Xubnood waxa ay kala ahaayeen 11-xubnood oo ah Guddiga maamulka Doorashooyinka heer federaal FIAT, 3-xubnood oo ah xalinta Khilaafaadka, 7-xubnood oo ah Guddiga maamulka Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed ee Somaliland, 5-xubnood heer DG Galmudug, 3-xubnood koofur galbeed, 2-xubnood HirShabeelle, 5-Banaadiriga ah 1-xubin Puntland, Jubbaland oo badashay xubno geeriyooday iyo kuwo tabasho laga keenay, 3-xubnood oo Somaliland kasoo jeeda oo tabasho laga keenay balse ay kawada hadlayaan Ra’iisul Wasaaraha, ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Aqalka sare” Sida uu sheegay Al-Cadaala.

Heshiiskii  27-May-2021 oo  golaha Wadatashiga Qaranku ku saxiixay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dhigayaa in muddo laba bil ah ay dalka  uga dhacdo doorashada labada gole ee Baarlamaanka, dib u dhaca doorashooyinka labada gole ee Baarlamaanka ayaa sababtay xasarad iyo xasilooni la’aan siyaasadeed oo dalku ku jiray laga soo billaabo Augosto-2020 iyada oo xasaraddaas oo gaartay dagaal lagu soo afjaray heshiiskii doorashooyinka Qaranka ee 27-May-2021

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago