GUDAHA/wararka

“Xukuumadda aan soo dhisay waa mid adag oo reer Galmudug looga baahan yahay in ay ka faaiideystaan” Qoor-Qoor.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo faah-faahinayay Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay xalay saq dhexe waxa uu sheegay in uu sameeyay wada tashiyo badan si maamulkaas looga samatabixiyo heerka uu joogo.

Madaxweyne Kaariye waxa uu tilmaamay in xubnaha uu magacaabay ay iyagu doorteen kadib markii ay go’aansadeen badbaadinta Galmudug iyo dhismaha maamul adag oo guud ahaan deegaanada Galgaduud iyo Koofurta Mudug Gaara.

“Xubnaha Golaha Wasiirada waxaa qayb ka ah mas’uuliyiin xilal sare uga tanaasulay horumarinta Galmudug darteed, aniga oo uga mahad celinayo tallaabadaas ayaan u rumeeyay hamigooda waana in ay la shaqeeyaan shacabka” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waxa uu sheegay in waqti hore la sugayay ku dhawaaqista Golaha Wasiirada balse waxyaabaha intaan soo gaarsiiyay waxa uu ku tilmaamay in lagu howlanaa isu keenidda Saamileyda Galmudug iyo qancinta dadkii tabashooyinka qabay.

“Sida ay u socoto howsha Maamulka waa mid baal dahab ah geli doonto, waxaa soo dhamaaday wajiga koowaad ee dhismaha, marxaladii labadaad oo ahayd dib u heshiisiinta iyo raadinta dadka wax tirsanaya iyo ugu dambeyn dhismaha Wasiiro Tayo leh oo ay qayb kawada yihiin Shaqsiyaadka aqoonta u leh” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Baarlamaanka waxa uu ka dalbaday in ay codka kalsoonida siiyaan Golihiisa Wasiirada si ay u shaqo galaan, si deg deg ah ayuu ugu codsaday in ay ugu codeeyaan, maadaama duruufo iyo xaalado laga dhaxlay Covid-19 ay taagan yihiin.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu horay u sheegay in uu soo dhisi doono Gole Wasiiro oo ay ka muuqdaan shaqsiyaad qayb ka noqon kara samatabixinta Galmudug, waxaana ugu dambeyn uu xalay ku dhawaqay Xukuumad ay ka dhex muuqdaan labo xubnood oo katirsan Golaha Shacabka, Wasiiro katirsanaa Maamuladii Xaaf iyo Guuleed.

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

5 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

9 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

13 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

17 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

18 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

19 hours ago