Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay Bandowga bilaabanaya 7-da fiidnimo oo Caasimadda ay kusoo rogtay DFS.
Fariin uu kaga hadlayay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta ah maalinta 1-aad, waxa uu Madaxda Dowladda Soomaaliya Bandowga aan laga fileyn in ay ka dhigto 7-da fiidnimo, marka la eego waqtiga kooban ee u dhaxeeya Afurka iyo saacadda bandowga uu dhaqangalayo.
“Arrin fiican ma ahan oo waa culeys weyn in bisha Ramadaan in bandowga laga bilaabo 7-da fiidnimo, waxaa jira dad ehelkooda la afuro, waxaana shacabka ay filayeen in la gaarsiiyo 9-ka fiidnimo balse ma dhicin, Dowladda dib ha ugu laabato iyada oo qadarineyso duruufaha kala duwan iyo fadliga bisha Barakeysan ee Ramadaan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu ka hadlay tallaabooyinka Ciidamada Dowladda ay qaadaan iyaga oo dhaqangelinaya bandowga saaran Caasimadda, waxaana uu soo jeediyay in wax laga badalo sida hadda wax u socdaan oo uu ku tilmaamay in laga wanaagsan yahay.
“Ciidamada Dowladda dadka jidka maraya inta ay qabtaan waxa ay ku xiraan saldhigyada, iyaga oo qol ku kulmiya 20-ruux, bal kawaran 17-saldhig oo tiro intaas la eg qol la isugu geeyo, laga yaabee in qof qaba cudurka uu ku jiro, soo ma qaadsiin karo dadka kale? Arrintaas waxa ay kahor imaaneysaa tallaabada ah hala kala fogaado, waana in wax laga badalaa” ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.
Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa Arbacadii todobaadkaan ku dhawaaqay in saacad lasoo hormariyay Bandowga Caasimadda la geliyay 15-kii bishaan oo ka bilaabanayay 8-ta fiidnimo, lagana dhigay 7-da fiidnimo.
Waxaa arrintaas ka dhalatay falcelin ka imaatay dhinacyo kala duwan oo qaarkood soo jeediyay in laga wanaagsanaa go’aanka Bandowga lagu geeyay 7-da fiidnimo, maadaama dadka qaar meelo fog afur u doontaan, waqtigana uu ku dhici karo.
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…