GUDAHA/wararka

Xisbiga Tigree oo dalal shisheeye ku eedeyay in ay faragelin ku hayaan Itoobiya.

Xubno ka tirsan xubnihii aasaasay Xisbiga EPRDF ee dalka Itoobiya ayaa dalal shisheeye ku eedeyay in ay faragelin ku hayaan wadankooda ka dib kulamo ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Dalkaasi.

Xisbiga EPRDF ayaa talada dalka Itoobiya hayay muddo 30 sano ku dhaw.

Xisbiga Tigre oo qayb ka ahaa saddex xisbi oo sameeyey EPRDF ayaa khilaaf kala dhexeeyey dowladda Dhexe tan iyo markii uu xilka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Xisbiga Tigre ayaa horay ugu dhawaaqay in aysan ku biiri doonin xisbiga Abiy Ahmed.

Xisbiga ayaa kulan degdeg ah qabsaday Sabtidii iyo Axaddii la soo dhaafay.

Bayaan uu xisbiga soo saaray ayaa dalal shisheeye ku eedeyay in ay faragelin ku hayaan Itoobiya.

Warbixinta ayaanan lagu xusin wax magacyo ah balse waxay ururka Midowga Afrika ugu baaqeen in ay arrintan wax ka qabtaan.

Xisbi Talada haye ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed ayaa dhankiisa wada olole uu Madaxda Dowlad deegaanada Maamulkaasi ugu qancinay in ay ku midoobaan Hal xisbi.

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago