GUDAHA/wararka

Xiriirka Trump & Ra’iisul Wasaaraha UK oo u xumaaday Jawaabta Iiraan ay khasaaraha ku gaarsiiyay Danaha Maraykanka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu aad u xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer kaddib markii Washington ay ku eedeysay dhiggeeda London waxtar la’aan iyo qorshe xumo dagaal.

Donald Trump oo ah nin inta badan aan ka gamban dhaleeceenta madaxda xiriirka la leh isla markaana aan wax xeerin ayaa markii uu arkay kuleelka ka yimid jawaabta ay bixineyso Iiraan waxa uu billaabay in uu xag-xagto dalalka xulufada la ah.

Eedeyn culus uu kala dul dhacay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska waxa uu si shalaayto ah u yiri “marnaba ma filanayn in aan arko waxtar la’aanta Ra’iisul Wasaaraha UK, sidoo kalena boqortooyada Ingiriiska kama filanayn sidaan”.

Trump ayaa sheegay markaan niyad jab ka muujinaya Ingiriiska oo horay dhinac uga baxay Midowga Yurub isuna arka in uu awood buuxda u leeyahay sida Maraykanka oo kale in uu dunida saamayn ku yeesho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maraykanka uu si hoose Ingiriiska uga codsaday Saldhig ay ka duullaan tagaan ciidamadiisa balse London ay diiday, khasaaraha kasoo gaaray dagaalka socda maalintii 4aad ayuu doonayaa in uu uga waji dhaqdo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Galmudug oo maanta billaabatay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in maanta si rasmi ah ay uga bilaabatay…

35 mins ago

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

15 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

18 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

19 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

21 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

21 hours ago