GUDAHA/wararka

Markab Kalluumaysi oo shiinaha looga afduubtay xeebaha DG Puntland oo lasii daayay

Markab Kalluumaysi oo laga leeyahay Jamhuuriyadda Shiinaha oo koox burcad badeed Soomaali ah ay ku afduubatay xeebaha Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lasii daayay isaga iyo shaqaalihii la socday.

War kasoo baxay Maamulka Shirkadda Markabkaas ayaa lagu sheegay kaddib dedaallo wadajir ah oo ay sameeyeen Dowladda Shiinaha iyo mas’uuliyiin Soomaali ah in lagu guulaystay sii daynta markabkaas sida ay xaqiijisay Safaaradda China ee Muqdisho.

Shiinaha ayaa xiriir joogta ah la sameeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaa ugu dambayn mira-dhalay wadahadalkaas oo la isku fahmay sii daynta Markabka iyo shaqaalaha la socday.

Xukuumadda Beijing ayaa ballanqaadday in ay gacan ka gaysanayso sidii looga hortagi lahaa Kooxaha Burcad Badeedda si aysan markale dib usoo laaban awooddii ay mar ku yeesheen Biyaha Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah.

Qaybo kamid ah Xeebaha Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa mararka qaar ka dhaca afduub iyo isku day qafaal oo Kooxaha Burcad badeeddu sameeyaan, waxa ay taasi sababtay in si feejigan loo maro goobaha ka dhow halkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

14 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

17 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

19 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

20 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

20 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

21 hours ago