GUDAHA/wararka

Xildhibaano ka tirsan BFS oo wada Mooshin ka dhan ah Guddoomiye  Aadan Madoobe

Waxaa maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo laa balansanaa in uu ka dhaco xarunta Golaha ee Villa Hargeysa, xilli mudanayaasha Golaha ay ka soo laabteen fasax ay ku maqnaayeen ku dhawaad bil.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa dib u furmay maalintii Sabtida ee todobaadkaan, waxaana shirguddoominayey Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku xigeenkiisa labaad Abshirow. Furitaanka kulankii todobaadkaan waxaa ka dhashay buuq kaas oo ugu dambeyn sababay in uu kulanka soo xirmo natiijo la’aan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in fadhiga uu si rasmi ah u xirmay, maadaama aan la sii wadi karin kulanka sababo la xiriira buuqa iyo muranka hareeyay kulanka.

Muuqaallo ka soo baxay kulankii Sabtida ayaa la arkayey qaar kamid ah xildhibaannada ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Guddoonka Golaha, kuwaas oo ka gadoodsanaa go’aankii Guddoomiye Aadan Madoobe ka qaatay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay isla maalintaas ayaa sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uusan awood u lahayn in uu ka qaado Xildhibaanka Xasaanaddiisa, iyaga oo ku dooday in ay cod loo qaado Xildhibaanka.

Muraankaas ayaa sababay in qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay abaabuleyn mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo ay sheegeen in ay ka wadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Lama oga natiijada rasmiga ee ka soo bixi doonta Mooshinkaan balse Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka caraysan go’aankii uu qaatay Sheekh Aadan Madoobe, qaar kood ayaa dhaliilo u jeediyey habka hoggaamineed ee Guddoomiyaha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

1 hour ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

6 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

8 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

8 hours ago