Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay tallaabadii ay dhawaan qaadday maamulka Puntland taas oo ay ku sheegtay in maamulkaas uu sameysanayo aqoonsi u gaar ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa tallaabadaas ay qaadday Puntland ku tilmaamtay mid lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka ayna tahay khalad masuuliyadeed iyo mid sharci.
“Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka, waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.
Hadalkaan ayaa ku soo aadayo xilli dhawaan maamulka Puntland sheegay in ay sameyneyso aqoonsi u gaar ah, iyada oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in uu yahay mid lagu carqaladeynaayo Aqoonsiga qaranka.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…