GUDAHA/wararka

Xildh. Yaasiin Fareey “Dadka aan matalo labadii Suuq ee Noloshoodu ku tiirsanayd midna waa gubtay midna waa la burburinooyaa”

Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay howlgalka Dowladda Federaalka ay burburineyso Suuqa Siinaay ee Degmada Warta nabadda iyo dabkii gubay Suuq Bacaad oo katirsan Degmada Yaaqshiid.

Yaasiin Fareey ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay saakay ku dhaqaaqday arrintii ay ka hortaagnaayeen oo ahayd in la burburiyo suuqa Siinaay sida uu hadalka u dhigay, isaga oo intaas ku daray in aanay marnaba ka aamusi doonnin arrintaas.

“Waxaan la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed in wixii aan ka digeynay ku dhacayaan subaxan 6da August, 2025 Dadka aan matalo oo labadii suuq ee noloshoodu ku tiirsaneyd midna gubtay, midna la burburinayo. Suuqa gubtay waxaan tuhun ka qabnaa xogo horudhacana ka heleynaa in uu yahay faldambiyeed abaabulan, Suuqa la burburinayana dhammaan waa wada naqaanaa cidda sida gaarkaa ugu howlan.” Ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Fareey.

“Waxaan u taaganahay lana dareen ahay dadka Soomaaliyeed ee la dulminaayo guud ahaan gaar ahaan dadka Labada Suuq ee Siinaay iyo Suuqbacaad oo loo adeegsanaayo awood dowladeed laguna kacaayo fal ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo shuruucda u taala Dalka.” Ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay Xildhibaan Yaasiin Fareey in ay qaadeyso wixii ka dhaca labadaas Suuq, murugada ayuu shaaciyay in uu la qaybsanayo dadka hantidooda ku gubatay suuq bacaad iyo kuwa laga duminayo Suuqa Siinaay sida uu yiri

“Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan  oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay.” Xildhibaan Yaasiin Fareey

“Waxaan u sheegayaa dadkeyga in aan murugada la qeybsanaayo, geed dheer iyo geed gaabana u kori doono in aan danaha guracan diidnay dhahno si wadajir ah. Waxaan ugu baaqayaa in ay is garabsadaan waqtigan xasaasiga ah dal iyo dibad, midnimadooda iyo cududooda mideeyaan, qof kastana kaalintiisa qaato.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Ciidamo Isugu jira Booliis, Nabadsugid, Booliiska sida Miliariga u tababaran ayaa saakay xiray waddooyinka gala Suuqa Siinaay Degmada Warta Nabadda halkaas oo ay ka billaabeen howlgal lagu duminayo dhismaha ku yaalla suuqaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

6 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

21 hours ago