Dalka Talyaaniga waxa uu ku dhawaaqay in uu €13 Bilyan oo Yuuro una dhiganta $15 Bilyan oo doollar ku dhisayo buundo muhiim u ah isu socodka Dalkaas intiisa kale iyo Jasiiradda Sicily si uu u xoojiyo nidaamka difaaca Yurub.
Talyaaniga ayaa sheegay in uu dareensan yahay cabsida ka jirta dagaalka badda Mediterranean sidaas awgeed hadda laga sii shaqeynayo sidii loo heli lahaa marin fududeeya sidii loo badbaadin lahaa Qaaradda Yurub.
Wargeyska Financial Times oo qormo ka qoray dhismaha Buundadaan ayaa soo bandhigay jaantuska buundadaas iyada oo laga dheehan karo sida ay u fududeyn karto in laga kor gudbo badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Jasiiradda Sicily.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa arbacada waxa ay Xukuumaddeeda horgeyneysa qaraarka lacagtaan lagu ogolaanayo si Golaha Wasiirrada u ansixiyo looguna dhaqaaqo fulinta dhismaha mashruucaan.
Talyaaniga waxa uu kamid yahay Dalalka Quunyar socodka ah ee reer Yurub inkasta oo barisamaadkii qayb ka ahaa Waddamada Gumeystay Dalal badan, siyaasaddiisa oo hoos u dhacday waxa uu daneynayaa in uu dib boorka isasoo jafo.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…