GUDAHA/wararka

Maxaa sababay Falcelinta culus ee ka dhalatay safiirka cusub Itoobiya ee Soomaaliya?

Dood culus ayaa ka taagan ficillo uu horay u sameeyay Danjiraha cusub Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo xiligii ay taagnayd xiisadda labada dal ee salka ku haysay xadgudbkii Addis Ababa ay ku sameysay madaxbannaanid gaar ahaan heshiiskii badda.

30kii Agoosto 2024 waxa uu Danjiraha cusub ee Itoobiya soo dhigay bartiisa X (Twitter) qoraal uu Hoggaanka Dowladda ku tilmaamay in ay faashilmeen, xiligaas waxa uu soo qaatay dibadbax ka dhacay Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo lagu diidanayaa in Ciidanka Masar lagu daro Howlgalka Midowga Afrika.

Safiirka ayaa bartiisa X waxa uu soo geliyay qoraallo badan uu uga qaybqaatay dagaalka afka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor inta aan lagu soo afjarin heshiis ka dhacay dalka Turkiga oo Madaxweyne Erdogan garwadayn ka ahaa.

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay ahayd in Dowladdu hubiso qofnimada Danjiraha Cusub kahor inta aanay warqadaha Safiirnimo ka guddoomin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinacyo kala duwan ayaa sidaas oo kale dood ka keenay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe maadaama qadiyadda uu ka aaminsan yahay dalka loosoo magacaabo meel fog joogto sida ay hadalka u dhigeen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

16 mins ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

48 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago