Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa go’aamisay in laga billaabo horraanta bisha soo socota ee September in qofka dalbanaya ama qaadanaya Baasaboorka dalka laga doonayo in uu heysto kaarta Aqoonsiga qaranka ee (National ID).
Kulan dhexmaray Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar Balcad, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha guud ee NIRA Cabdiwali Cali Cabdulle, Lataliyayaal iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu go’aamiyay go’aankaas.
Sidoo kale waxaa madasha laga sheegay in laga billaabo 1-da Janaayo sanadka soo socda ee 2026 in qofka ku safraya gudaha Dalka laga doonayo in uu heysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shaqsiga sida hadalka loo dhigay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan soosaartay awaamiir lagu xoojinayo qaadasha kaarka aqoonsiga qaran, qofka sameysanaya akoon banki ayay ku xirtay in uu heysto Kaarkaan, Qaadashada Shahaadada Dugsiga Sare iyo meelo kale.
Kaarkaan waxa uu fududeynayaa in uusan waqti badan ku bixin dhalashada iyo sugnaanta oo ku qasbanaa qofka in uu soo sameysto kahor inta uusan dalban baasaboorka, shahaadaha iyo adeegyada kale ee dowladda bixiso.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…