Dabayaaqadii 2016; Dowladnimada iyo xukunka madaniga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ku soo kordhay hannaanka xeer-dejinta labada gole (Bicameral system) ee Baarlamaanka, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ergo ka kooban 825 Qof ay meelmarisay 2012 ayaa xeeriyey in Dowladda Soomaaliya yeelato Habka xeeridejinta labada gole, waxaana meelmariyey xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh oo qabatay doorashadii Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Haddaba maqaalkani waxa uu kuu ifinayaa inyar oo kamid ah Fasiraadda iyo Sooyaal xeerdejinta laba gole oo Baarlamaan, habkaas oo horseeday deganaanshaha siyaasadeed iyo xasiloonida bulsho oo ay gaareen dowladaha ku dhaqma,
hannaanka xeer-dejinta labada gole (Bicameral system) ee Baarlamaanka waxa qaatay inta badan dowladaha federaalka ah ee waaweyn, kadib markii ay soo baxday baahida dhisidda iyo horumarinta dowlad tala-wadaag ah, oo awooddu u qaybsan tahay gobolada (Dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, dhammaan dalaka qaatay Xeerdejinta Laba gole waxa ay ku saleeyeen sameyska iyo qaabka dhaqan iyo dhaqaale ee Waddamadooda.
Waddamada qaatay ee hadda ku dhaqma waxa kamid ah:-
Aragtida dowladnimadu, waxa ay ku billaabatay hab xukunku uu gacanta ugu jiro boqorka ama madaxweynaha, sidaas awgeedna waxa ay ahaayeen isha dhammaan xeerarka iyo amaradu ay ka soo fulaan.
Aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda (trias politica)[1], oo muddo dheer soo jiitantay, ayaa Qarnigii 18aad, waxa horumarin iyo dhaqan-gelin ku sameeyey Charles de Montesquieu, oo ahaa aqoon yahan Faransiis ah, waxa uu daabacay Buugga caanka ah ee “De L’esprit des Lois”, sanadkii 1748-dii, aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda ee uu horumariyey Charles, waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dastuurkii Mareykanka ee sanadkii 1789, Kacdoonkii Faransiiska ee 1791-dii, sidaas oo kalana waxa ay gaartay waddamo badan oo reer Yurub ah.
Laba tiir oo ay aqoon yahanka reer galbeedku aaminsanaayeen in dowladnimada casriga ah lagu dhisi karo ayaa midkood ahaa kala saaridda awoodaha laamaha dowladda, kaas oo hirgelintiisu qaadatay muddo dheer, hayeeshee muddo kadib ka dhaqangalay qaaradda Yurub.
Qodobka labaad ee ay u arkayeen, in dhismaha dowladnimo casri ah uu horseedi karo, waxa uu ahaa kala saaridda dowladda iyo diinta ama waxa maanta loo yaqaan Calmaaniyadda –فصل الدين عن الدولة- Separation of church and state
Aragtida kala saaridda awoodaha laamaha dowladda (trias politica), waxa ay ku dhisan tahay in laamaha dowladdu ay noqdaan 3; laamood, oo kala ah:
Laanta xeer-dejinta oo MAqaalkani ku saabsan yahay, waxa lagu qeexaa in ay tahay:-
“Hab isu-tag ah oo lagu wadaago awoodda Curinta, Dejinta, Meelmarinta, Wax ka beddelidda, Dib u eegidda iyo baabi’inta xeerarka iyo Qawaaniinta”
Labada gole ee xeerdejintu waxa ay leeyihiin magacyo kala duwan oo ay Waddamada ku dhisani u yaqaaniin sida: Baarlamaan iyo Gole xeer-dejin,
Waxa jira noocyo badan oo loo dhiso golayaal xeer-dejin, kuwaas oo ka badan mid iyo laba, hayeeshee waxa ugu caansan labada jaad ee kala ah:
III. SHAQADA IYO AWOODAHA XEER-DEJINTA
NUUCA SHAQADA HAY’ADDA XEER DEJINTA IYO TIIRARKA LAMA HURAANKA U AH
Hay’adda xeer-dejintu waa golaha ugu weyn awood wadaagga dadweynaha iyo dowladda, taas oo iyada oo adeegsaneysa awoodda dadweynaha qabata shaqada meelmarinta, Wax ka beddelidda, dibu eegidda iyo Baabi’inta xeerarka iyo qawaaniinta ay laanta fulintu soo diyaariso, sidaas oo kalana waxa ay hay’adda xeer-dejintu kormeerta shaqada laanta garsoorka.
Sidaas awgeed 2;qodob oo waaweyn ayaa lagu soo koobaa nuuca shaqada Hay’adda xeer-dejinta, kuwaas oo kala ah:-
XEER-DEJIN LABA GOLE (BICAMERAL LEGISLATURE)
Guddigii dejiyey dastuurka kmg ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, ayaa isku raacay in hannaanka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya uu yeeshe baarlamaan ka kooban laba gole xeer-dejineed, sidaas awgeed, dastuurka ayaa si fiican u qeexay shaqada iyo jiritaanka aqalka sare oo metelaya dowlad-goboleedyada xubaha ka ah dowladda federaalka.
Waxa la isweydiin karaa sababta looguu baahday in dhismaha dowadnimada Soomaaliya yeesho aba gole xeer-dejineed, inkasta oo aan dastuurka kmg ah ee la ansixiyey Agusto-2012, haddana aragtida ka dambeysa adeegsiga xeer-djin laba gole ku dhisan oo inteeda badan katimid waddamada Giriigga, India iyo Rome, waxaase aragtidan si fiican loogu shiilay looguna dhallaaliyey Yurub.
Sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya hindisidda aqalka sare waxa kamid ah:
Tirada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliyada cusub waa 54, xubnood, oo lagu saleynayo goboladii 1991-dii,
Marka aad aragto Qodobka 71aad ee dastuurka km ah;
Adeegga garsoorka, Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah, Guddiyada qaran ee Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Xallinta khilaafka.
Marka laga hadlayo habka loo xallinayo haddii khilaaf ku saabsan go’aan siyaasadeed ka dhex dhasho labada gole waxa si kooban u sheegaya qodobka 81aad.
Aqoon yahan badan oo wax ka qoray aragtida dowladnimada ayaa isweydiiya sababta loogu baahan yahay aqal sare, mar haddii golaha shacabku uu qabanayo shaqada xeer-dejinta, ee wax ka beddelidda, dib u eegidda iyo baabi’inta xeerarka?
Balse waddamada u arkay xal in ay yeeshaan hannaan ku dhisan xeer-dejin laba gole, waxa ay qabaan in aqalka sare uu u taagan yahay hubinta xeerarka kasoo baxaya laanta fulinta ee soo mara golaha shacabka, inta aanay gaarin heerka dhaqangelinta iyo saxiixa madaxweynaha.
Waddamo badan ayaa awoodda xeer-dejintooda sal uga dhigay Aqalka sare, waxa kamid ah Mareykanka, Kanada, Hindiya, Jermalka iyo Jabbaan.
Mareykanka waxa xoogga xeer-dejineed iska leh Aqalka sare (Congress), sababta ugu weyn waxa uu dastuurka Mareykanku ku sheegay in ay tahay:
In la meelmariyo ka hortag ka dhan ah keligitalisnimo, sababta oo ah aqalka sare waxa uu hubinayaa oo kormeerayaa dhaqdhaqaaqyada ku laran xeerarka ee keligi talisnimadu ka dambeyso, kuwaas oo soo mara golaha shacabka.
Waxa jira welwel ay qabaan dadka dersiga Qaanuunka Dastuurku (Constitutional law), kaas oo ku wajahan sida ay kalanoqon doonto shaqada Golaha shacabka iyo tan aqalka sare, waxaase si faahfaahsan u sharraxaya Xilalka ay wadagaan iyo Xilalka uu gole waliba gaarka u leeyahay Qodobka 55aad ee Dsatuurka, waxaase dhici karta in Khilaaf ka yimaado sida loo dhaqangeliyo
.Aqalka sare oo metelaya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe waxa uu leeyahay awood uu ku metelo dowlad-goboleedyada, sidaas awgeed waxa hoos u dhici doona iska hor imaadka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, halkaasna waxa ka sameysmi kara is-aaminaad iyo in muwaadiniinta dowlad-goboledyadu helaan cid leh awood ay kula dooddo dowladda dhexe.
Aqalka sare mar haddii uu metelayo dowlad-gobleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka islamarkaasna leeyahay awoodda xeerdejinta waxa uu adeegsan doonaa awooddiisa dastuuriga ah, taas oo ka dhigan in marka lagareebo 4; arrimood uu inta kale ku diidi karo xukuumadda iyo madaxweynaha:
Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, cutubkiisa 5aad, qodobka 54aad, waxa uu kala qaybiyey awoodaha iyo sida ay u kala leeyihiin dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah , isaga oo u la dhaqmaya dowladda dhexe ee federaalka habka koobidda awoodaheeda, kaas oo halistiisa leh,
“Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo[2]:
1) Arrimaha Dibadda;
2) Difaaca Qaranka;
3)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo
4) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka”…
Qodobka 2aad ee difaaca qaranka, aqalka sare waxa uu dastuurku siinayaa awood uu uga qaybqadan karo ku dhawaaqidda xaaladdagaal.
Arrinta ugu weyn ee lagayaabo in ay dhaliso dood iyo khilaaf dhexmara labada gole ee Baarlamaanku, waa qodobka ku saabsan go’aanada siyaasadeed, oo aad mooddo in dastuurka qudhiisu u dhigay si isku dhex yaacsan,.
Laga billaabo qodobka 81aad illaa Qodobka 83aad, waxa ka dhalan doona dood adag, haddiiba ay dhacdo in xukuumaddu qaadato go’aano siyaasadeed saameeyn leh.
WQ: Avv: Ahmed Isse Gutale
[1] – Bicameral Legislature – Theory and Practice –
[2] -Dastuurka ku meelgaarka ah, La ansixiyey Agosto 1-2012
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…