Xeebaha Dalka Yemen waxaa ka socda howlgal lagu raadinayo tahriibayaal la socday doon ku degtay koofurta Dalkaas gaar ahaan Gobolka Abyan, waxaa lasoo badbaadiyay qaar kamid ah Dadkaas sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan Dowladda Yemen iyo Hay’adda IOM.
Madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee IOM isla markaana hoostagta Qaramada Midoobay ayaa Warbaahinta u sheegay in doonta ay la socdeen dad lagu qiyaasay 150 qof oo ilaa hadda aan la ogaan dhalashooda rasmiga ah.
Waxa uu intaas ku daray in ay dhinteen in ka badan 60 qof, halka lasoo badbaadiyay tobonneeyo kale oo la dhigay goobaha gaarka ah ee Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya dhinaca Qaxootiga iyo socdaalka.
Baadigoobka Dad kale oo la waayay ayaa socda, waxaa howshaan iska kaashanaya Qaramada Midoobay iyo ciidamada Ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Yemen sida ay sheegeen saraakiisha u xog-warrantay Warbaahinta.
Yemen waxaa u tahriiba Dad u badan Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo marar badan la kulmay dhimasho, in qaarkood waqti dambe la helo iyo kuwo kale oo gurmadka degdega ah la kulma laguna guuleysto in lasoo badbaadiyo.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…