Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa berri oo talaaldo ah kuna beegan 5ta Agoosto waxa uu fadhi degdeg ah ka yeelanayaa xaaladda macluusha ah ee ka jirta Magaalada Gaza kaddib markii go’doonka Israa’iil ay saartay magaaladaas ay sababtay cunno la’aan baahsan.
Sida ay ku warrantay Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay, fadhigaan ayaa yimid kaddib markii muuqaal ay baahisay Xamaas ay kasoo dhex muuqdeen Maxaabiista ay heystaan oo jirkooda is baddelay sabab la xiriirta macluusha heysata.
Kulankaan waxa ay Danjire Dannon u badisay in lagu go’aamin doonno in si degdeg ah gargaarka bani aadamnimada loo fasaxo iyada oo laga shaqeyn doonno sidii loo badbaadin lahaa Dadka macluushu saameysay.
Waxaa miiska saaran in dib loo billaabi doonno wadahadalka Maxaabiista ay isku dhaafsanayaan Xamaas iyo Israa’iil maadaama uu jiro culeys xooggan oo koray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu sida laga dheehan karo fariinta uu u diray Laanqayrta cas.
Israa’iil oo muddo ka madax adeegeysay in ay fasaxdo gargaarka bani aadamnimo ee hortaagan tahay ayaa markaan ku qasban mar haddii uu xooggeystay kacdoonka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo kan caalamiga ah.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…