GUDAHA/wararka

Xafiiska RW Xamsa oo hoos u dhigay Hambalyada Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug & HirShabeelle

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoos u dhigay Hambalyada doorashada Guddoonnada Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle kuwaas oo aan lagu baahin ciwaannada Baraha Bulshada ee xafiiska, halka Xafiiska Madaxweynaha Villa Somalia  uu soo dhaweeyay natiijada iyo doorashada guddoonka labadaan maamul.

Mustaqbal Media oo baaritaan sameysay ayaa ogaatay in Wasiirka koowaad ee Xukuumadda uu soo dhaweeyay hambalyana u diray doorashadii ay ku soo baxeen Guddoonka Golaha Wakiillada Maamulka Koonfur Galbeed, ka dib qoraal uu ku faafiyay bartiisa gaarka ee Facebook.

Weli si rasmi ah looma ogaan sababta keentay in Xukuumadda ay hoos u dhigta Hambalyada iyo soo dhaweenta Natiijada doorashada ay ku soo baxeen Guddoomiyaasha iyo ku xigeennada Golaha Wakiillada ee Galmudug iyo Hirshabeelle, taas cagsigeeda ay soo dhaweysay tan Koonfur Galbeed.

Goleyaasha Wakiillada Maamullada Galmudug & HirShabeelle ayaa ku yimid Doorasho Dadweyne iyada oo sii doortay Guddoon cusub, halka Golaha Wakiillada Galmudug uu sidoo kale doortay Hoggaamiye iyo ku xigeenkiisa.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada…

1 hour ago

89 Xildhibaan oo ka horyimid mooshinka xilka looga qaadayo Wasiirka Caafimaadka XFS

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod kalsoonida loogu qaaday Wasiirka…

3 hours ago

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Urdun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Gobolka Karak ee Dalka…

6 hours ago

Xildhibaan Kenyaan ah oo loo xiray teleefanno lagu xaday Nairobi

Booliiska Kenya ayaa xiray Xildhibaan Cyrus Kisavi Musyoka oo kamid ah Golaha Deegaanka Kyatune oo…

6 hours ago

Aliko Dangote “Waxaan doorbidayaa in aan Xabsi galo intii la iga qaadan lahaa Teleefankayga”

Bilyaneerka reer Nigeria, Aliko Dangote ayaa sheegay in sida uu muhiimka ugu yahay Teleefankiisa gacanta…

7 hours ago

Wiil Soomaali ah oo Shil ka badbaadiyay 19 Arday oo Lacag lagu abaalmariyay

Ebro Ahmed oo 27 jir ah asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya halka sidoo kale uu…

9 hours ago