GUDAHA/wararka

Wiil Soomaali ah oo Shil ka badbaadiyay 19 Arday oo Lacag lagu abaalmariyay

Ebro Ahmed oo 27 jir ah asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya halka sidoo kale uu dhalashada labaad ka qaatay Dalka Maraykanka ayaa abaalmarin lacageed oo dhan $1,000 la guddoonsiiyay kaddib markii uu sabab u noqday in ay badbaadaan 19 Arday oo Baskii ay la socdeen uu xeelad caafimaad galay darawalkii waday Ardaydaas.

Sida ka muuqata muuqaallo ay duubeen Kaamirooyinka oo dib laga baahiyay, Ebro Ahmed waxa uu kubad ku dheelayay meel u dhow Waddada uu marayay Baska, waxa uu arkay Gaariga oo si aan caadi ahayn u socda kuna jihaysan meel geedo badan ku yaallaan, waxaana uu qaatay go’aan ah in uu orod ku koro si uu joojiyo, wuuna ku guullaystay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Magaalada St. Paul ee Gobolka Minnesota waxaana ay dhalisay hadal hayn xooggan xitaa waxa uu gaaray Ebro Ahmed in ay kulankiisa dalbadaan mas’uuliyiin Dowladeed, Saraakiil Ciidan, Kooxaha Gurmadka Degdega ah, Dadka daneeya arrimaha Deegaanka, Suxufiyiin, Waalidiinta Ardayda iyo Dad kale.

Waraysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in uu arkay Gaariga oo socodkiisu wax ka qaldan yihiin, waxa uu qaatay go’aan ku saabsan in uu badbaadiyo Ardayda Saaraan isaga oo markii uu oradka ku koray kaddib uu joojiyay maadaama xirfadda wadista Gawaarida uu yaqaanay, waxaana lasoo dejiyay Ardaydii iyaga oo badqaba.

Inkasta oo la siiyay Talooyin uu naftiisa ku badbaadin karo si haddii uu arko khatar tan lamid ah haddana waxa uu Maamulka Pt. Paul uu ku tilmaamay in uu Ebro Ahmed yahay Halyeey galay diiwaanka Dadka wax u qabtay Bulshada iyo Magaaladaas isla markaana looga mahadceliyay kartida dheeraadka ah iyo naf hurnimada uu sameeyay.

Waxaa jira Warbixinno kale oo aan aad u badnayn oo Ebro Ahmed lagu sheegay in uu asal ahaan kasoo jeeda Eretareeya inkasta oo xogtaas ay ka xoog bateen wararka kale ee asalkiisu ku sheegay in uu yahay Soomaali kuna nool Gobolka ay ku badan tahay Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota isaga oo tallaab geesinimo leh qaaday.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada…

2 hours ago

89 Xildhibaan oo ka horyimid mooshinka xilka looga qaadayo Wasiirka Caafimaadka XFS

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod kalsoonida loogu qaaday Wasiirka…

3 hours ago

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Urdun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Gobolka Karak ee Dalka…

7 hours ago

Xildhibaan Kenyaan ah oo loo xiray teleefanno lagu xaday Nairobi

Booliiska Kenya ayaa xiray Xildhibaan Cyrus Kisavi Musyoka oo kamid ah Golaha Deegaanka Kyatune oo…

7 hours ago

Aliko Dangote “Waxaan doorbidayaa in aan Xabsi galo intii la iga qaadan lahaa Teleefankayga”

Bilyaneerka reer Nigeria, Aliko Dangote ayaa sheegay in sida uu muhiimka ugu yahay Teleefankiisa gacanta…

7 hours ago

Xafiiska RW Xamsa oo hoos u dhigay Hambalyada Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug & HirShabeelle

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoos u dhigay Hambalyada doorashada Guddoonnada Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedyada…

8 hours ago