GUDAHA/wararka

Xabad-joojinta ay galeen Xamaas & Israa’iil, Ciidanka cusub ee la gaynayo Gaza iyo hadalkii Khaliil Xayya uu ku dhawaaqay.

Magaalada Gaza waxaa la gaynayaa 200 oo askari oo ka kala socda dalalka Masar, Qatar, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta waxaana kor kala soconaya ciidamo Maraykan ah si loo xaqiijiyo xabbad-joojinta ay galeen Xamaas iyo Israa’iil.

Hoggaamiyaha Xamaas ku metalay wadahadalka ka dhacay Dalka Masar waa Khaliil Xayya ayaa sheegay in labo sanno kaddib ay dhankooda soo gabagabeeyeen dagaalka iyaga oo iska caabiyay ciidanka kusoo duullay ee rabay in uu qabsado Gaza.

Waxa uu intaas ku daray in ay la shaqaynayaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee dalalka kala duwan ka kala socda, dhankooda ayuu tilmaamay in si buuxda u dhaqangeliyaan heshiiska ay galeen loona baahan yahay in uu dhinaca Israa’iil ka fulo.

“Falastiin way guulaysatay, waxa ay iska dhicisay cadawga kusoo duullay, isma dhiibin Mujaahidiinta, waxa aan dhankeenna ku dhawaaqaynaa in aan soo gabagabaynay dagaalka socday labada sanno, waxa aan doonaynaa in loo gurmado Shacabka Falastiin oo aan markii horeba u difaacanay arrintaas darteed” Ayuu yiri Khaliil Xayya.

“Nabadgalyo Gaza, Nabadgalyo wiilasha, Gabdhaha, Wiilashada, Shuhadada nool & qof weliba oo kusoo sabtay arrintaan, mowqifkeenna weli waa halkiisa oo waxa aan doonaynaa xuquuqda iyo maslaxada dadkeenna, waxa aan rabnaa Dowlad Falastiin oo Caasimaddeedu tahay Qudus Shariif” Sidaasi waxaa yiri Khaliil Xayya.

Waxaa dib loo furayaa Marinka Rafax si halkaas looga gudbiyo Gargaarka ku xayiran dhinaca Masar, Xukuumadda Qaahira ayaa fududayn doonta kaalmada Bani aadamnimo ee Dalalka kala duwan ka timid ee loo wado Shacabka Magaalada Gaza.

Dalal badan ayaa soo dhaweeyay arrintaan lagu gaaray xabbad-joojinta, waxa ay soo jeediyeen in lala socdo dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan dhinaca Israa’iil oo dhowr jeer ka baxday ballamo lagu gaaray heshiisyo ka dhacay Dalal dhowr ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

46 mins ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

2 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

3 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

3 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

5 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

6 hours ago