GUDAHA/wararka

Google oo sheegtay in weerar dhinaca Internet-ka ah lagu beegsaday in ka badan 100 Shirkadood

Shirkadda Google ee kamidka ah bahda Alphabet ayaa sheegtay in koox burcad ah ay weerartay shirkado kala duwan kuwaas oo khasaara xooggan gaarsiiyay, waxa ay intaas ku dartay in howshaan ay soo billaabatay saddex bil kahor sida bayaanka lagu sheegay.

Google ayaa sheegtay in kooxdaan ay beegsatay barnaamijka ganacsiga ee shirkadda Oracle (ORCL.N), waxaa la diiwaangeliyay khasaara xooggan oo aan si dhab ah loo shaacin tirada rasmiga ah balse warbixinta lagu xusay in uu jiro.

Khabiir lagu magacaabo Austin Larsen ayaa sheegay in uu ogyahay dhowr iyo toban dhibbane balse ay jiraan kuwo kasii badan inta ogaalkiisu gaarsiisan yahay, waxa uu ku sifeeyay arrintaan dhibaato safmar ah oo gaartay shirkadahaas kala duwan.

Inta badan weerarrada burcadda Internet-ka ku fuliso waxaa lagu beegsadaa Shirkado kala duwan kuwaas oo dhaqaale xad-dhaaf ah ka sameeya qaabka Online-ka ah, waxaa jira heshisyo ay la galeen shirkado qaabilsan dhinaca amniga Internet-ka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

16 hours ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

17 hours ago

Maleeshiyaadka Laftagareen oo weeraray Saldhig Ciidanka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…

18 hours ago

MW Xasan Sheekh oo ku baaqay in la garab istaago Doorashada Qof & Codka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…

18 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

1 day ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

1 day ago