GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Xabbad-joojinta iyada oo ku baaqday in la taageero Falastiin

Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabbad-joojinta ee Magaalada Sharma Al-Sheekh Dalka Masar ku dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil si loosoo afjaro colaadda dhiigga badan ku daatay ee labadii sano lasoo dhaafay xooggaysatay.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dedaal weliba oo lagu gaari karo nabadda Falastiin iyo Dowlad awood leh oo dadkaas yeeshaan sida hadalka loo dhigay.

Waxa ay rajo ka muujisay Soomaaliya in uu si dhab ah u dhaqangalo heshiiskaan kana duwanaado heshiisyadii hore ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday balse cusboonaysiinta waayay ee sababay in colaaddu dib u qaraxdo.

“Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” Sidaasi waxaa yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka sida cad u garab istaagay Falastiin, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku fadhiso sanadkaan waxa ay ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabbadda la joojiyo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Sweden oo sheegtay in qeyb ka qaadaneyso Cariyeynta Xabsiyada Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada…

10 mins ago

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

5 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

5 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

5 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

6 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

7 hours ago