GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Xabbad-joojinta iyada oo ku baaqday in la taageero Falastiin

Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabbad-joojinta ee Magaalada Sharma Al-Sheekh Dalka Masar ku dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil si loosoo afjaro colaadda dhiigga badan ku daatay ee labadii sano lasoo dhaafay xooggaysatay.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dedaal weliba oo lagu gaari karo nabadda Falastiin iyo Dowlad awood leh oo dadkaas yeeshaan sida hadalka loo dhigay.

Waxa ay rajo ka muujisay Soomaaliya in uu si dhab ah u dhaqangalo heshiiskaan kana duwanaado heshiisyadii hore ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday balse cusboonaysiinta waayay ee sababay in colaaddu dib u qaraxdo.

“Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” Sidaasi waxaa yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka sida cad u garab istaagay Falastiin, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku fadhiso sanadkaan waxa ay ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabbadda la joojiyo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

16 hours ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

18 hours ago

Maleeshiyaadka Laftagareen oo weeraray Saldhig Ciidanka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…

18 hours ago

MW Xasan Sheekh oo ku baaqay in la garab istaago Doorashada Qof & Codka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…

18 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

1 day ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

1 day ago