Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin ku saabsan guusha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu ansixiyay qaraar ay Soomaaliya kula wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga warbixin faahfaahsan ka siiyay la soo wareegida Soomaaliya ee wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee dalka, isagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay horumarinta madaxbannaanida iyo masuuliyadda qaranka.
Intii uu kulanku socday, Guddiga Joogtada ayaa sidoo kale ka dooday liiska sagaalka xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka, kuwaas oo la filayo in la horgeeyo kulanka guud ee Golaha Shacabka si loo ansixiyo.
Sidoo kale, kulanka ayaa go’aan looga gaarey jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, iyadoo Golaha la horgeyn doono shuruuc ay soo gudbisay Xukumadda.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…