GUDAHA/wararka

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo laga deyrinayo

Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa xaalad caafimaad darro galay iyada oo la sheegay in uu wax ka tari waayay Kaniiniga loo yaqaan Aspirin oo si xad-dhaaf ah u isticmaallo kaddib markii dhaqaatiirtiisa gaarka ah ay u qoreen.

Warbaahinta ayaa si gaar ah hadal haysa arrintaan iyada oo soo xiganaysa ilo ku dhow qaybta caafimaadka ee Aqalka Cad halkaas oo daqiiqado badan ay si is daba joog ah u galayeen Dhaqaatiir bannaanka aqalkaas laga keenay.

Saraakiisha qaarkood ayaa hadalka wanaajinaya oo waxa ay Warbaahinta iyo baraha Bulshada ay ku kulmaan Bulshada si loo dejiyo dadka sida dhow uga welwelsan xaaladdiisa ee u dhashay Dalka Maraykanka oo helay xogo kala duwan.

Teleefishinka CNN ee Maraykanka ayaa sheegay in la qarinayo xogo badan oo ku gedaaman xaaladda Caafimaad, da’da oo ka dabatagtay & Make up (Budada jirka ka qarinaya nabarrada ka muuqda) oo si joogta u isticmaalo & in uu yareeyay meelaha qaar uu horay u tagi jiray.

Waxyaabaha ay Warbaahinta xaaladdiisa caafimaad ay uga deyrinayaan waxaa ah in Marka uu tago shirarka oo la khudbaynayo uu ku dhex hurdo taasi oo muujinaysaa in isbaddel jireed iyo mid caafimaadba uu jiro sida hadalka loo dhigay.

Aspirin waa kaniini dhiigga khafiifiya si aanay u xinjiroobin, waxaana ay dhaqaatiirtu sheegeen in looga cabsanayo in uu wadnaha ka istaago dhiigga balse xadka loogu talagalay in ka badan uu isticmaallo maalintii sida wararku sheegayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

7 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

9 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

14 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

14 hours ago