Qarax la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay kolonyo galbinaysay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta dib ugu noqday Magaalada Jowhar.
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah Gaadiidka wax ka gelbinayay Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaa ka dhashay dhaawaca 2 qof oo kamid ah Ilaalada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waa jidka isku xira Garoonka Diyaaradaha iyo Magaalada Jowhar xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa qaraxaas kaddib billowday howlgal ilaa haatan aanay kasoo bixin natiijo rasmi ah.
Cali Guudlaawe iyo Wafdiga la socda waxa ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho, maanta ayay dib ugu laabteen Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jowhar si uu xoogga u saarayo howlaha horyaalla.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar waxa uu Magaaladaas u jiraa ilaa 15 Kiilo-mitir, dhowr jeer waxaa sidaan oo kale uga dhacay qarax miino, howlgallo lagu baarayo miinooyinka waxaa dhowr jeer iska kaashaday ciidamada ammaanka Hir-Shabeelle & Kuwa AUSSOM.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…