Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka jira abaar saamayn taban ku reebtay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo kuwa Beeralayda ah, qoysaska qaar ayaa billaabay in ay u hayaamaan deegaanno kale.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal Media u sheegay in xaaladdu ay sii adkaatay maalmihii lasoo dhaafay kaddib markii biyihii yaraa ee deegaannada qaar laga helayay laga waayay ceelasha sidaas awgeedna dadku isaga tageen deegaannadooda.
Xoolaha la dhaqdo ayaa deegaannada qaar billaabay in Harraad iyo doog la’aan isugu darsantay darteed in ay tarab-tarab u baqtiyaan, waxaana triada ugu badan ee nooca xoolahaas lagu sheegay in ay Lo’da ay safka hore uga jirto.
Dhul baaxad weyn oo beeraha ku abuuran ku tiirsanaa Webiyada Jubba & Shabeelle ayaa qalalan, waxaana laga digayaa in xaaladdu ay kasii adkaato sida ay hadda tahay haddii aan Roob da’in ama Webiyadu biyo keenin.
Boqolaal qoys ayaa bishii u danbaysay 2025 ee December isaga barakacay deegaannadooda Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, dadkaan ayaa naftooda kala baxsaday dhulka qalalan ee harraadka badan ku qabtay si ay naftooda u badbaadistaan.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…