Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Xasan bin Xamsa Asad Haashim, Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka Qatar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday wasiirkiisa uu ku socotay Wasiir Axmed Cawad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray walaalkiisa Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aala taani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.
Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.
Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah, iyadoo ah hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…