GUDAHA/wararka

Wariye Xasan Kaafi Qoyste oo Muqdisho ku geeriyooday

AUN Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste oo kamid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku dhintay Magaalada Muqdisho kaddib markii xannuun kedis ah oo qabtay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho.

Wariye Xasan Kaafi Qoyste ayaa kamid ahaa Suxufiyiinta wardoonayaasha ah isaga oo kasoo shaqeeyay Idaacado kala duwan sida Laanta Afsoomaaliga ah ee VOA ee horay Madaxweyne Donald Trump uu u xiray iyo Idaacaddii Horn Afrik.

Bahda Warbaahinta iyo Dad kale oo aqoon u lahaa Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa u tacsiyeeyay ehelkiisa iyaga oo alle marxuumka uga baryay in uu jannada geeyo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

50 mins ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

3 hours ago

Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle oo Caleemosaarkiisa uga baaqday Khilaafka ka taagan Baladweyne

Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh oo maanta Xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…

4 hours ago

Masar oo mar kale xaqiijisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…

17 hours ago

Ciidamada Mareykanka oo isaga baxay saldhigga Baledoogle kaddib 14 sano

Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…

17 hours ago