Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa lala xiririnayay inuu noqdo macalinka Machester United balse wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda reer Talyaani. (Calciomercato)

Bayern Munich  ayaa lagu wadaa in suuqa Janaayo ay dalab 13-milyan ah ka gudbiso weeraryahanka Chelsea Callum Hudson-Odoi, 18-jir. (Mail)

Laacibkii hore ee garabka weerarka Arsenal Jose Antonio Reyes 34-jir ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto kooxda si uu qeyb uga noqdo tababarayaasha ka hoos shaqeeya  Unai Emery. (Star,)

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa u muuqda inuu safkiisa ka reebay kubbad qaabeeye Mesut Ozil 30-jir kulanka ay caawa u safrayaan Liverpool. . (Express)

Emery ayaa sheegay inuu iska diiday fursad uu kula soo saxiixan karay Maxamed Saalax mar uu joogay PSG maadaama uu shaki ka qabay 26-jirka weerarka kaga ciyaara Liverpool kaa uu iminka u arko mid ka mid ah shanta ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka. (Mail)

Agaasimaha ciyaaraha ee AC Milan Leonardo ayaa sheegay in Chelsea aysan sameyn dalab ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Argentina 31-jir kaa oo amaah ku jooga San Siro isagoona ka yimid Juventus. (Evening Standard)

Weeraryahanka PSV Eindhoven Hirving Lozano, 23-jir ayaa ka mid ah xiddigaha bartilmaameedka sare u ah macalinka Chelsea Maurizio Sarri. (Express)

31-jirka qadka dhexe kaga ciyaara Chelsea Cesc Fabregas kaa uu qandaraaskiisu dhacayo bisha Juun ayaa Stamford Bridge ka tagi doona si uu ugu biiro koox kale oo ka dhisan Yurub.  (Marca)

Da’yarka qadka dhexe ee Manchester City  Brahim Diaz ayaa lagu wadaa inuu kooxda ka tago uuna ku biiro Real Madrid heshiis ku kacaya 13.5-milyan oo lagu daray lacagaha gunnooyinka, 19-jirka ayaana la filayaa inuu heshiis lix sano ah u saxiixo kooxda ka arrimisa Bernabeu.  (Marca)

Xididga qadka dhexe ee Manchester Unnited  Andreas Pereira ayaa ka baaraan dagi doona inuu ka tago kooxda ilaamaa uu helo waqti badan uu ku ciyaaro, Arsenal Everton iyo West Ham ayaa wada xiiseynaya 22-jirka. (Star)

Liverpool ayaa waxaa dalab ka soo gaaray kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon oo ku aadan saxiixa 18-jirka qadka dhexe ee  Rafa Camacho si ay amaah ugu qaataan bisha Janaayo, halka kooxo kale oo dhowr ah oo ka ciyaara Championship ay sidoo kale waydiisteen haddii la heli karo.  (Liverpool Echo)

Everton ma qorsheynayso inay sameyso wax saxiixyo muhiim ah bisha soo socota, agaasimaha ciyaaraha Marcel Brands ayaa sheegay in hadafkoodu uusan ahayn inay eegtaan ciyaartooy cusub suuqan Janaayo. (Liverpool Echo)

Aston Villa ayaa ka baxday heshiiska ay kula soo saxiixan lahayd daafaca dhexe ee Chelsea Gary Cahill 33-jir, sababo la xiriira Kharashka lagu lifaaqay heshiiska.  (Telegraph)

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

5 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

7 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

21 hours ago