Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Galgaduud.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Goola-goole oo 80KM dhanka Koofureed ugu beegan Guriceel ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac uu kala gaaray Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida dadka deegaanka ay Mustaqbal u sheegeen.

Askari katirsan Ciidamada Galmudug kuna dhaawacmay Dagaalka ayaa la geeyay isbitaalka Istarliin ee ku yaalla Guriceel.

Dagaalka waxa ay wararku sheegayaan in ay qaadeen Ciidamada Galmudug, waxaana labada dhinac ay kala sheegteen in ay guulo ka kala gaareen Dagaalka.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Ciidamada Galmudug ay dib ugu soo baxeen deegaan u dhaw Goola-goole oo ay dagaalka ku qabsadeen.

Saraakiil katirsan Galmudug ayaa sheegay in ay dileen dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, deegaanadii ay ku sugnaayeen ay ka qabsadeen.

Dhanka Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay dileen 10 kamid ah Ciidamadii Galmudug ee weerarka qaaday.

Ma jiro warar ka madax banaan Galmudug iyo Al-Shabaab oo ka xog-warmaya Khasaaraha labada dhinac kala gaaray iyo deegaanada ay ku kala sugan yihiin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago