Waqtiga la dooranayo Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay.

Guddiga xallinta Khilaafaad ee doorashada Baarlaamaanka Maamulka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, magacaabidda Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo jadwaleynta doorashada Madaxweynaha.

Guddiga xallinta Khilaafaadka ee dhismaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in 31ka ishan ay noqoneyso maalinta ay isu imanayaan dhamaan Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay  3da January ay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland dooran doonaan Guddoomiye iyo ku xigeennadiisa halka 5ta Bisha January ay Baarlamaanka magacaabi doonaan Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.

Doorashada Madaxweynaha Puntland oo ilaa hadda ay isu diiwaangeliyeen 24 Musharrax ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 8da January 2019,waxaana musharrixiinta ka mid ah madaxweynaha hadda talada haya ee C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Amaanka degaannada Puntland ayaa aad loo adkeeyay iyada oo dhameystirka Xildhibaannada ka dhiman Baarlamaanka Puntland ay wali socoto.

Mustaqbal media

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

20 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

5 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago