Last News

Waa kuma Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar?

Sugaal Cabdulle Cumar oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa abwaannada Soomaaliyeed oo caan ku ah curinta maansooyinka noocyada kala duwan sida gabayga, geeraarka, iyo jiiftada. Waxa uu sidoo kale curiyey riwaayado iyo heeso badan.

Mid ka mid ah riwaayadaha uu curiyey waa “Magaalo Joog Xumo,” taas oo si weyn loogu yaqaan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u aqoonsan yihiin tayada iyo qiimaha ay leedahay. Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ka mid ahaa kooxda Heegan, oo ahayd mid ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Abwaanku wuxuu si qoto dheer u jecelaa in Soomaaliya ay hesho nabad, waxaana cadeyn u ah in uu weligiis ku noolaa wadanka, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo uu la kulmay.

Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu ku bilaabay fanka iyo curinta, isagoo xilligaas ku ciyaari jiray dhaanto. Kadib, wuxuu u soo ambabaxay Muqdisho, halkaasoo uu ka mid noqday kooxda Heegan, oo uu madax u ahaa allaha u naxariisto Cabdi Bashiir Indha Buur.

Abwaanku maansooyinkiisa waxaa ka muuqan jiray sida uu bulshadiisa ula jeclaa wanaaga, waxaa kamid ahaa “Qabyaaladda Waa Lagu Caloobaa” iyo “Anigu Soomaali Baan Ahay”.

Sugaal Cabdulle Cumar sidoo kale wuxuu ka soo jeedaa qoys hal abuur leh, isaga oo Ayeeyda Hooyadiisa Barni Deyr, iyo Aabihiisa Cabdulle Cumar ay ahaayeen Maanso yahanno, halka ay walaalo ahaayeen Liiban Cabdulle Cumar iyo Gallad Cabdulle Cumar, oo labaduba leh hal abuur heer sare ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…

2 hours ago

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…

4 hours ago

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?

Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…

6 hours ago

Scotland, Wales & North Ireland oo Madaxbannaani ka qaadanaya Ingiriiska

Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…

7 hours ago

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…

8 hours ago

Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…

9 hours ago