Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax uu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Makhaayad ku taalla bannaanka xirada Iskuul Boolisiya ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay booliiska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay ugu yaraan toddoba ruux ayaa ku geeriyoodeen, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo u badan arday.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa kamid noqday Abwaan Sugaal Cabdulle oo kamid ahaa Saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed, dhinacalena ka tirsanaa bahda Suugaanta.
Dhaawacyada ayaa lagu daaweynayaa isbitaallada, waxaana la xaqiijiyay in ay xaaladooda culus tahay.
Mas’uuliyadda weerarkaasi qaraxa ayaa waxaa sheegtay AS oo xilliyada qaar weeraro nuucaani ah ka fuliya gudaha magaalada Muqdisho.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…
Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…
Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…
Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…