GUDAHA/wararka

Ururka IGAD oo ka shiraya Xaaladda Soomaaliya

Urur Goboleedka IGAD ayaa 15ka Bishaan kulan ku leh Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana uu ka hadlayaa xaaladaha ka taagan Dalalka ku bahoobay ururkaan iyada oo dhinaca Soomaaliya lagu soo qaadayo Amniga, La dagaalanka AS & Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM.

Shirkaan dhacaya bartamaha todobaadka soo socda waxaa ka qaybgalaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, meertadaan ayaa ah kalfadhiga 74aad ee caadiga ahayn sida hadalka loo dhigay.

Wasiirrada ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee dejiya siyaasadda iyada oo ugu dambayn loo gudbin doonno Madaxda Dalalka ku midaysan ururkaan, sidaasina lagu soosaarayo warmurtiyeedka kulamadaas dhacay.

Arrimaha taagan waa dhinaca Amniga maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay dedaallada ay kula wareegayso mas’uuliyadda Amniga Dalka mar haddii ay baxayaan Ciidanka Uganda sannadka soo socda 2027

IGAD ayaa garab istaag u muujinaysa ciidamada Soomaaliya, inkasta oo qaar kamid ah Dalalka ururkaan ku jira ay horay u ballanqaadeen in aanay ciidamadooda kala bixi doonnin Soomaaliya ilaa inta laga gaarayo ujeedka dalka loo keenay oo ah xoojinta Amniga.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago