UK oo beenisay in ay maalgelisay Liyuu Boolis

Dowladda Ingiriiska ayaa beenisay in ay lacag badan ku bixisay Ciidanka fadeexaddu heysata ee dowlad degaanka Soomaalida.

Madaxa waaxda horumarinta Caalamiga ah ee UK Christian Rogg ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Mustafa Maxamed Cumar.

Safaaradda UK ee Adis ababa ayaa sheegtay in kulankaas uu Christian Rogg uga faa’ideystay in uu beeniyo warbixinno been abuur ah oo lagu sheegay in UK ay 2013kii dhaqaale badan ku bixisay Ciidanka Luyuu Booliska.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska ayaa qoray in Dowladda Ingiriiska ay sanadkii 2013kii ku bixisay Ciidanka Liyuu Boolis lacag u dhaxeysa £13m–15m oo lacagta Ingiriiska ah,taas oo ku baxday tababarka Ciidanka qeybna ka ahayd qorshe shan Sano ahaa.

Warbixin uu xafiiska soo saaray sanadkii la soo dhaafay ayuu ku sheegay in uu jiray qorshaha xaqiijinta iyo taageeridda amniga Gobolka laakiin aan la fulinin oo uu hakad galay.

Madaxweynah Dowlad Degaanka Mustafa Maxamed iyo  Christian Rogg  ayaa kulankooda uga hadlay sidii dowladda Ingiriiska u taageeri lahayd qorshaha dib u habeynta amaanka iyo arrimaha bulshada ee dowlad degaanka Soomaalida.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

5 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

5 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

6 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

8 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

10 hours ago