GUDAHA/wararka

Uganda oo shaacisay in 19 sano ka dib ciidankooda kala baxayaan Soomaaliya

Ciidamada Uganda oo ah Askarta ugu badan ee qeybta ka ah Howlgalka AUSSOM ayaa 19 sano ka dib isaga baxaya Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu bartiisa X ku baahiyay Taliyaha Militeriga Uganda, Muhoozi Kainerugaba ayaa tilmaamay inuu soo dhammaaday Howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, isla markaasna dhawaan uu billaaban doono qorshaha bixitaanka.

“19 sano oo aan Soomaaliya joognay ka dib, waxaan doonaynaa inaan dalkaas si buuxda uga baxno dhowaan.” ayuu yiri Jeneraal Muhoozi Kainerugaba

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli dhaqaale xumo wajahayo howlgalka AUSSOM ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka AS.

Tirada ciidamada Uganda ee hadda ku sugan Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo askari.

Ciidamadan ayaa qeyb ka sugida amniga xarruumaha muhiimka ah ee Dowladda sida Garoonka Aadan Cadde, Dekadda iyo goobo kale.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago