Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinisyadda Soomaaliyeed, Mustaf Dhuxulow ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ku simaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Justin Davis.
Kulanka ayaa diirada lagu saarey iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga gaar ahaan dhinaca Xuduudaha.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii loo maareyn lahaa dadka socdaalka ah ee doonaya in ay ka baxaan wadanka.
Danjiraha Mareykanka ayaa ballanqaaday in ay qeyb ka qaadan doonaan dhisidda awoodda iyo aqoonta shaqaalaha, iyo horumarinta hababka xoojinta socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka.
Hore Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa u gaarey heshiisyo lagu adkeynayo amniga dalka, si looga hortago falalka ka hor imaanaya sharciga iyo nabadgalyada.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…