Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Gabadha Soomaali Mareykanka ah ee ku jirta Baaarlamaanka Mareykanka in ay xilka iska casisho kaddib markii ay hadallo gef ku ah Yahuudda ku qortay Twitter-ka.
Qoraallada Ilhaan ee ay dhibsadeen dadka Yuhuudda Mareykanka ayaa buuq ka dhexdhaliyay gudaha labada aqal ee Mareykanka.
Xildhibaannada Dimuqraadiga iyo kuwa Jamhuuriga ayaa intooda badan cambaareeyay waxa ay ku sheegeen isir nacayb oo ay baraha bulshada ku qortay Ilhaan.
Ilhaan Cumar ayaa raalli gelin ka bixisay hadallada ka dhanka ah Dadka Yuhuudda ah oo ay inta badan ku dhaliisho sida ay ula dhaqmaan Dadka Falastiin.
Madaxweyne Trump, ayaa raalli gelinta Ilhaan ku tilmaamay mid aan dhameystirneyn,waxaana uu ugu baaqay in ay iska casisho kursiga Golaha aqalka hoose ee Mareykanka.
Waxaa kale oo uu sheegay in xitaa haddii aysan xubinnimadeeda Baarlamaanka ka baxaynin ay isaga baxdo Guddiga siyaasadda arrimaha dibadda ee Golaha aqalka hoose oo ay xubin ka tahay.
Trump ayaa laftiisa ololaha ku galay kala qeybinta dadka iyo naceybka Umadaha qaar sida dadka Afrikaanka ah,kuwa Aasiya iyo Dadka Spanishka ah ee Mareykanka u dhashay.
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…