Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa saxiixay sharci saameyn ku yeelanaya dadka Soomaaliyeed ee lacagaha looga soo diro dalkaasi.
Sharcigaan cusub ayaa ku waajibanaya qofka lacag u diraya dibadda sida Soomaaliya, iyada oo lagu soo rogay canshuur dhan 3.5%, tillaabadaasi ayaa walaac ku abuureysa dadka Soomaalida ee sida joogtada u taageera qoysaskooda.
Mareykanka waxaa ku sugan Soomaali badan oo lacago ay shaqeystan ama ay helaan ku taageera reerahooda si ay u daboolaan baahiyaha aasaasiga ee nolosha sida cuntada, biyaha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.
Lacagaha oo sannadkii gaara Balaayiin Dollar ayaa waxaa laga diraa xawaaladaha Soomaalida, kuwaasi oo sahlaya in ay gaarto dadkii loogu talagalay.
Sharcigan cusub ee culeyska ku noqonaya dadka aan u dhalan Mareykanka sida Soomaalida ayaa waxaa looga goleeyahay in lagu kordhiyo dakhliga gudaha ee dalka Maraykanka.
Dalalka sida gaarka ah loo soo calaameeyay in ay cashuurahan saameyn doonaan ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Hindiya iyo Mexico oo Balaayiin Dollar sannadkii ay mari jireen Xawaaladaha.
Sanadkii 2023-ka, qurbojoogta Soomaaliyeed ayaa dalkooda u soo diray lacag gaaraysa 1.73 bilyan oo dollar, taasi oo ka badan taageerada ay Soomaaliya ka hesho Beesha Caalamka.
Hay’adaha samafalka sida Oxfam ayaa horey u sheegay in lacagaha xawaaladaha ay badbaadiyeen nolosha kumanaan Soomaali ah.
Dalalka kale sida Hindiya, oo sanadkii hore qurbajoogtooda u direen in ka badan 119 bilyan oo dollar, iyaga ayaa la kulmi doona khasaare iyo hoos dhaca ay sababi doonto Canshuurta cusub.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…