GUDAHA/wararka

Trump oo billaabay in uu xilal usii dhiibo Dadkii ka qaybgalay Ololaha Doorashadii uu ku guuleystay

Madaxweynaha 47aad ee Dooran ee Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa gacanta ku haya xilalka uu u kala qorsheeyay xubnaha lasoo koorseeyay ee kala soo gudbay xaaladaha adag uu wajahay muddadii uu xilka heyn.

Trump ayaa u muuqda in uu u abaalgudayo shaqsiyaad intooda badan lasoo shaqeeyay kuwaas oo waqtigooda ku bixiyay u ololeynta doorashadii uu guusha muhiimka ahayd ka gaaray kuna garaacay Madaxweyne ku xigeenka Dalkaas ee Kamala Harris.

Magacaabistii Thomas Homan ee Trump u dhiibay Madaxa Xuduudaha waxa ay durba dhalisay in farta la saaro shakhsiyaad kale oo calaamadeysan, kahor inta uusan degen Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka ayuu sii dhiibayaa xilal kale.

Waxaa aad loo hadal hayaa in Madaxweynaha Dooran ee 20ka Janaayo 2025 geli doonno Aqalka Cad waa Donald Trump in uu Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ka dhigan doonno Marco Rubio oo ah Senator laga soo doorto Florida.

Xilal kala duwan uu Trump Ballanqaaday ayaa durba lasii calaamadeeyay shakhsiyaadka ku fadhiisan doonna, xubnahaas lasii saadaalinayo waxaa kamid ah Stephen Miller in laga dhigayo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada (Aqalka Cad).

Miller waa Ninkii ka dambeeyay Siyaasadda ka dhanka ah soogalootiga ee Madaxweyne Donald Trump, waxaa kale oo diiradda u saaran cidda u noqoneysa Madaxa difaaca, guddiga qaban-qaabada xil wareejinta iyo mas’uuliyiin kale.

Maraykanka waxa uu galayaa waa cusub waayo waxaa meeshii ugu hooseysay tageysa awoodda Xisbiga laga adkaaday ee Dimuqraadiga, waxaa meel weliba ka muuqan doonna kan Jamhuuriga oo afartii sano u dambeysay bannaan joog ka ahaa saaxadda Siyaasadda.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Maraykanka oo sheegay in uu lacag abaalmarin ah ku bixinayo xogta Haweeney Soomaali ah

Maraykanka ayaa sheegay in uu abaalmarin lacageed oo dhan $5 Milyan oo doollar uu siinayo…

5 mins ago

Sacuudiga oo sheegay in uu soo riday Diyaarad lagu beegsan rabay Magaalada Maka

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…

3 hours ago

RW Xamse oo waxbarasho bilaash ah u ballanqaaday Arday kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…

17 hours ago

Taliska AUSSOM ee Baydhabo oo sheegay in uu caqabad kala kulmo xeerarka hubinta Amniga

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…

21 hours ago

Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Rag ku eedeysay in ay dhac safmar ah ay ka gaysteen Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac…

24 hours ago

Dowladda Suuriya oo billowday in ay tababarto Haweenka ku biiraya Ciidamada Ammaanka

Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…

1 day ago