Deegaannada Maamulka Somaliland waxaa berri oo Arbaco ah kuna beegan 13ka Nofeembar 2024 ka billaabaneysa Doorashada Dadweyne ee lagu dooranayo Xisbiga hoggaamin doonno Maamulkaas muddada 5ta sano soo socota.
Loolanka ugu adag waxa uu u dhaxeeyaa Xisbiyada Kulmiye oo talada haya iyo Waddani oo Mucaarad ah isla markaana ku goodiyay in uu isbaddel cusub gelin doonno Deegaannada Maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya).
Waxaa soo idlaaday maalmihii ololaha Xisbiyada iyo Ururrada diiwaangashan balse shuraakada la ah ee saddexda Xisbi ee ugu weyn ee kala ah Kulmiye, Waddani & UCID si ay ugu darsadaan codadkooda loona soo dhiso maamul ay ku mideysan yihiin.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhankooda diyaar u yihiin doorashada oo lasii tababaray howlwadeennada u shaqeynaya, qalabka loo adeegsanayo codbixinta sida Sanaadiiqda, kuwa qofka lagu hubiyo, Ciidanka Amniga & Gaadiidka lagu qaadayo.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada ah) ayaa dhankooda loo diyaariyay goobo gaar ah oo codbixintooda ka dhiiban doonnaan si aanay u gelin safafka dhaadheer ee Dadka lixaadkoodu dhammeystiran yahay la gelinayo si loo hubiyo aqoonsigooda iyo codkooda in ay geliyaan sanaadiiqda.
Wakiillo kala duwan oo kor-joogto ka noqoneysa Doorashadaan ayaa qaarkood ku sugan Magaalada Hargeysa, qayb kale ayaa dhiman oo isla maanta ku wajahan si ay u qiimeeyaan Doorashadaan sida ay u dhaceyso & qaabka loo adeegsaday lacagihii ay ku gacansiiyeen Maamulka Somaliland.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgallo…
Roob saacado badan ka da’aya Magaalada Muqdisho ayaa sababay in ay istaagaan isu socodka waddooyinka…
Maraykanka ayaa sheegay in uu abaalmarin lacageed oo dhan $5 Milyan oo doollar uu siinayo…
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…
Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…