WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Taliye Cusub oo la wareegay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Taliye cusub ayaa la wareegay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya qeybtooda AMISOM waxa uuna xilka kala wareegay Taliyihii isaga ka horreeyay,oo mudo sanad ah xilkaasi haayay.

Taliyihii hore ee Ciidanka Kenya qeybtooda AMISOM,Dickson Rutto  ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Kenya Paul Njema sida lagu sheegay war ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Munaasibadda Xil wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday Taliska qeybta 2aade ee AMISOM oo ku yaalla Magaalada DHoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Rutto , ayaa u mahadceliyay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya oo uu muddo sanad ah u ahaa Taliye,kuwaas oo uu sheegay in muddadii uu Taliyaha u ahaa ay si waangsan ula shaqeeyeen.

Intii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Kenya ee AMISOM qeybteeda 2aad waxaa uu sheegay in mahsaariic kala duwan ay ka fuliyeen Gobolka Jubada hoose sida nadiifinta Waddooyinka, dawo siinta dadka rayidka ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in intii uu ahaa Taliyaha ay Ciidamadiisa ku guuleysteen sugida amniga degaanka ay joogaan, hoosna u dhigeen Weerarrada AL-shabaab ka geystaan degaannada Jubaland.

Taliyaha cusub ee xilka la wareegay Njema, ayaa sidoo kale isna u mahadceliyay shaqada uu qabtay taliyihii ka horreeyay,waxaana uu xusay in halkeeda ka sii wadi doonaan.

Waa Taliyihii 8aad ee Ciidanka Kenya taliye ka noqda tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya Bishii October sanadkii 2011kii,oo waxa ayna inta badan Saldhigyo ku leeyahiin Ciidanka Kenya ee AMISOM qaybta ka ah Gobolka Jubba Hoose iyo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

59 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago