Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Axmed Cabdi Kaariye iyo Saraakiisha AMISOM ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug,gaar ahaan Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarun Maamulka Galmudug iyo deegaanada hoos taga.
War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale lagu sheegay in la isla gartay sidii ay howl galo uga samayn lahaayeen deegaanadda ay Maamulaan Al shabaab ee Goboladda Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
“Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay Ciidamada Amisom ee ka howlgala Galmudug waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug, sidookale waxa la isla gartay sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab si loogu soo dabaalo Amni iyo Cadaalad oo ay helaan dhammaan shacabka reer Galmudug” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Jubbland.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa horay ula kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Amaanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb.
Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb,waxa ayna saldhig ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Dhuusamareeb ee Ugaar Nuur.
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…