Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay howlgal gaar ah ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.
Si gaar ah howlgalka ayaa ugu dhacay Degmada Wadajir, waxayna sheegeen in ay kusoo qabteen Labo Sarkaal oo ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.
Hay’adda Nabad sugidda ayaa tilmaamtay in Ciidamadooda oo ka duulayo Macluumaad ay heleen in ay kusoo qabteen Raggaan katirsan Al-Shabaab, howlgalkaan waxa ay sheegeen in uu dhacay Habeenkii Khamiista ee Todobaadkaan.
“23-kii August xili habeen ah ciidanka nabadgelyada Dowladda Federaalka ah ayaa degmada Wadajir waxa ay hawlgal ku soo qabteen laba shakhsi oo argagaxisada Al Shabab ah, hawlgalkan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha Soomaaliyeed, cidna wax kuma noqon.”
Labadan nin ee la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magacyadooda, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiraan gacanta Dowladda.
Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyinka Gobolka Banaadir waxa ayna sheegaan in ay kusoo qab-qabtaan Shaqsiyaad Katirsan Al-Shabaab, waxaana jira kormeer ay sameeyaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…