DIBADDA/Wararka

Sooyaal Kooban: Madaxweyne Maxamed Mursi

Telefeshinka Masar ayaa shaaciyey geerida madaxweynihii hore ee Masar  Maxamed Mursi, geerida Mursi ayaa timid  intii lagu guda jiray fadhi kusaabsan maxkamadeyntiisa iyada oo loo haystay eed la xiriirta in uu u basaasayey ururka Xamaas ee Falastiin hayeeshee in uu noolaa madaxweyne Mursi waxa uu si adag u beeniyey dhammaan eedaha loo soo jeediyey.

Telefeshinka ayaa war degdeg ah waxa uu ku sheegay in madaxweyne Mursi oo 68 sano jir ahaa uu ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda in uu hadlo iyada oo markii loo ogolaaday islamrkaasna uu dhammeeyey hadalkii uu kudhacay Wadne-xannuun degdeg ah kaas oo sababay in uu geeriyooda, meydka Mursi ayaa la dhigay Isbitaal, haddaba kumuu ahaa Maxamed Mursi

Waxa uu xilka madaxweyne qabtay sanadkii 2012 kaddib doorashooyinkii ugu horreeyey ee kadhacay Masar             kagadaal markii la riday maamulkii madaxweyne Xusni Mubaarak, sidaas awgeed waxa uu noqday madaxweynihii koowaad kaddib kacdoonkii 25-January -2011, waana madaxweynihii 5aad ee Masar.

Noloshiisa

20-Augosto-1951 ayuu kudhashay magaalada Cadwa ee gobolka bari ee Minya waddanka Masar, waxa uu kadhashay qoys dabaqadda dhexe ah, Aabihiis waxa uu ahaa beeraley hooyadiina guri jog, waxa uu guursaday sanadkii 1978, waxaana u jooga 5 carruur ah iyo 3 uu awoowe u yahay, xaaskiisu iyada oo aan dhammeyn tacliinta sare ayay billowday kashaqeynta arrimaha bulshada, waxa ayna kahowlgeli jirtay qaybta waxbarashada iyo Barbaarinta ee Jamaacada Ikhwaanka.

Laba kamid ah carruurtiisu waxa ay haystaan dhalashada Mareykanka maaddaama ay kudhasheen Amerika, xubno kamid ah xisbiga Xorriyadda iyo caddaaladda ayaa sheegay in Mursi loo soo jeediyey qaadashada dhalashada Mareykanka intii uu joogay Mareykanka balse waa diiday.

Waxbarashada

Markii uu dhammeeyey dugsiga Magaalada Qaahira ayuu u soo wareegay si uu u billaabo waxbarashada jaamacadda, waxa uu ka baxay Kulliyadda Injineerinka 1970-1975 heer aad u wanaagsan iyada oo loo xiray derejada Honor, waxa uu u safray Mareykanka sanadkii 1978 si uu uga kashaqeysto  ugna dhammeystirto waxbarashadiisa, waxa uu Shahaadada Masterka ku qaatay tamarta Qorraxda sanadkii 1978dii, kaddibna waxa uu qaatay shahaadada PHD isaga oo markan ku taqasusay Illaalinta Mishiinada Dayax-gacmeedka.

Intii uu kujiray ololaha doorashadiisa xisbigiisa ayaa beeniyey in uu siddeetameeyadii qarnigii hore la shaqeeyey wakaaladda Dayax-gacmeedka ee Mareykanka ee NASA (National Aeronautics and Space Administration)

Mursi waxa cadaadis siyaasadeed kala kulmay xukunkii madaxweyne Xusni Mubaarak iyada oo dhowr mar lala maxkamadeeey hoggaanka jamaacada Ikhwaanka, xabsiga ayaa la dhigay sanadkii 2006, iyada markii xigayna la geliyey xabsi guri kaddibna xukuumaddii Xusni Mubaarak ayaa xirtay January-2011 waxyar kahor kacdoonkii 25 January-2011 kaas oo bishii Febraury xilka looga tuuray madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarak.

Ololihiisii doorashada madaxtinimo

Mursi waxa uu kaqaybgalay doorashooyinkii madaxtinimo ee Masar sanadkii 2012, waxaa soo sharraxday xisbiga xorriyadda iyo caddaaladda oo lagu tiriyo in uu yahay garabka siyaasidda ee Jamaacada Ikhwaanka, xisbiga ayaa shaaca kaqaaday April-2012 in Mursi u sharraxan yahay si qorshaha 2aad ah (Keyd) iyada oo Musharaxa rasmiga ah ee Qorshaha 1aad ee xibsiga uu ahaa Maxamed Kheyrat Shaadir kaas oo guddigii dorashada ee xilligaas uu kahorjoogsaday in uu isu sharraxo ixlka madaxweynenimo kana qybgalo ololaha sidaas awgeed Mursi ayaa noqday musharaxa koowaad ee rasmiga ah ee xibsiga caddaaladda iyo xorriyadda.

Intii uu kujiray doorashada waxaa ku gacansayray Dacaayad kadhan ah oo sheegeysay in lagu sameeyey qalliin dhinaca maskaxda isaga oo sheegay in magaalada London uu ku galay qalliin fudud oo looga sameeyey xagga hoose ee Qadaadka kaas oo looga daweeyey caabuq uga dhashay halkaas, waxa uu sheegay in uu qabay cudurka Macaanka sidaas awgeedna uu qaato Kiniiniyaasha xannuunkaas.

Markii uu ka guuleystay Askeriga howlgebka ah ee la tartamay Maxamed SHafiiq waxa uu sheegay Mursi in uu dhisayo xukuumad wada metesha Masaarida balse dadka dhalliila waxa ay sheegeen in uusan kadhabayn ballanqaadyadii uu sameeyey intii uu kujiray ololaha, mucaarakiisa ayaa sheegay in uu irdaha u furay Islaamiyiinta si ay ula wareegaan nolosha siyaasadda ee Masar muddadii sanadka murugsan uu xilka hayey, waxa ay ku eedeeyeen in uu siyaasadda ka fogeeyey kooxaha kale islamarkaana ay jaamacada Ikhwaanku la keliyoowday  awoodda.

Bannaanbax looga soo horjeedo xukunka Mursi ayaa dillaacay November-2012 kaddib wareegto madaxweyne oo uu soosaaray taas oo uu isku siiyey awoodo dheeri ah si loo dejiyo Dastuur cusub balse taas waxaa diiday Kooxaha Cilmaaniyiinta, Liberal-ka iyo kaniisadda Khidbiyiinta

Cabdifitaax Siisi oo ahaa wasiirkiisii gaashaandhigga ayaa January-2013 waxa uu kudhawaaqay in xaaladda kataagan Masar ay horseedi karto in dowladdu dunto, sanadguuradii koowaad ee kazoo wareegtay xukunka Mursi ayaa koox fallaago ah waxa ay abaabushay dibadbax ballaaran oo kadhan ah maamulka Mursi, maalin kadibna ciidanka ayaa madaxweyne Mursi u qabtay in uu uga jawaabo cabashada dibadbaxayaasha muddo 48 saac ah , markii ay muddadaasi dhammaatayna waxa uu Mursi shaaca kaqaaday diyaarinta dastur cusub iyo dhisidda xukuumad kooban oo kmg ah oo diyaarisa dastuur cusub islamraakana qabata doorashooyin cusub oo maaxtinimo.

14-Augoto ayaa la qabtay Mursi kaddibna xabsiga ayaa la dhigay iyada oo ciidanku awood u adeegsaday boobidda xukunka iyo kala eryidda taageerayaashii Mursi sidaas awgeed tiro dad ah ayaa kudhintay fagaaraha Raabica Caddawiya.

Bishii September-2017 ayaa maxkamadda sare ee Masar waxa ay taageertay xukun madaxdaa ha ku furto ah oo lagu riday Mursi iyada oo loo haystay eed kusaabsan in uu xiriir la yeeshay xogta qarankana la wadaagay Qadar.

ISHA: BBC Carabi

Mustaqbal

Qaahira

General Editor

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

39 mins ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

4 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

5 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

6 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

7 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

8 hours ago